K/Afrika”Shir Oo Looga Hadlayay Horumarinta Beeraha Adduunka Oo Lagu So Gabagabeeyay Durban Iyo Raisulwasarihii Hore Ee Soomaaliya Farmaajo Oo Ka Qeybgalay

0
377
Magaalada Durban ee dalka k/afrika ayaa waxa lagu so gabagabeeyay shir caalami ah oo looga hadlayey horumarinta beeraha adduunka, shirkaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda horumarinta wax soo saarka beeraha adduunka ee loo yaqaan GFIA ama Global Forum for Innovations in Agriculture kaasi oo ay ka qeybgaleen masuliyiin iyo hogaamiyayaal ka kala socday caalamka kuwaasi uu kamid ah raisulwasaraahii hore ee xukumadii KMG ee soomaaliya Maxamed cabdullahi farmaajo
Masuliyiintii lagu casuumay shirkaas islamarkaane qudbada kala duwan ka jeediyay ayaa waxay diirada saareen  sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka beeraha adduunka, maadaama la saadaalinayo in kororka dadka adduunku uu gaaro in ka badan sagaal (9) billion halka uu hadda ka yahay in ku dhow shan (6)billion
Raisulwasaraahii hore ee soomaaliya maxamed cabdullahi farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa waxa uu ka hadlay sida adduunku uu uga hor-tagi karo cunno yaraanta iyo macaluul adduunka soo wajahda, isago khudbadiisa diirada ku saaray muhimada  doorka ay Soomaaliya ka qaadan karto sidii cunno ku filan loogu heli lahaa dadyowga adduunka ku nool,
Isago hadalkiisa sii wata ayaa Raisulwasaraahii hore ee soomaaliya Farmaajo waxa uu yiri “Soomaaliya in ayada la quudiyo iska daay’e, waxay Soomaaliya quudin kartaa wadamo badan oo aan lahayn dhul ku filan oo ay beertaan, maxaa yeelay Soomaaliya waxay leedahay dhul beereed baaxaddiisu le’eg tahay in ka badan siddeed (8) milyan oo hektar”
Ugu danbaytii maxamed cabdulahi farmaajo raisulwarihii hore ee soomaaliya ayaa marti sharafta shirka lagu casuumay oo gaarayay ilaa 400 oo qof ku dhiiri geliyey inay maalgashadaan Soomaaliya waxaana qaar kamid ah marti sharafta ay shegeen in Soomaaliya ay qayb weyn ka qaadan karto ka hortigidda cunno yaraanta adduunka iyado Shirkaas uu ahaa markii ugu horreysay ee lagu qabto qaaradda Afrika,
Farmaajo
Omar Kiyow
Hiiraanweyn.net
Johannesburg