Kenya Oo Dad Soomaali Ah Ku Xirtay Xadka Soomaaliya Ay La Wadaagto.

0
427

Xoogaga amaanka Kenya waxay xabsiga dhigeen 28 Soomaali ah oo la sheegay in si sharci daro ah ay wadankjaasi ku joogeen waxaana laga qabtay xuduuda Kenya ay la leedahay Soomaaliya.

Tilaabadan waxay imaanaysaa Xili ciidamada dalkaasi ay aad sare ugu qaadeen amaanka xuduuda labada wadan ay wadaagaan Cabsi laga cabo weerara Al-shabab ka yimaada.

Gudoomiya Garisa James Kianda ayaa xaqiijiyay in arintani ay jirto , isagoo dadka la xiray ukala qaaday 11 Haween ah iyo 17 rag ah kuwa oo uu sheegay inay isku qarinayeen baabuur si gaar ah oo leeyahay oo dhanka xuduuda lagu qabtay.

Kianda wuxuu ku goodiyay in dowladiisu ay tilaabo ay ka qaadi doonto cid walba oo sin shrci daro ah isku dayda inay kusoo gasho dalkeeda.

Kenya waxaa ku nool nus malyuun qaxooti Soomaali ah oo qaar kamid ah hada bilaabay inay dalkooda hooyo ee Sooomaaliya dib ugu soo laabtaan.

Kenya ayaa waday bilihii dambe inay sare u qaado amaanka wadankeeda wixii ka dambeeyay markii uu dhacay weerarkii Jaamacada Garirsa oo ay sheegteen AL-shabab oo Al-Qaeda xiriir laleh.