Kenya Oo Kacansi Qabto Weeraro Kaga Yimaado Kooxda Daacish

0
421

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay ka war heshay weeraro ay qorsheyneyso Daacish in gudaha dalkeeda ka geysato, kadib markii boqolaal dagaalyahno ka tirsanaa Al-Shabaab ku biireen Daacish.

Saraakiisha Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay in kooxda Daacish ay maleegayaan weeraro, isla markaana Ciidamada ammaanka ay howl gallo ballaaran ka wadaan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ka geysatay gudaha Kenya iyo nawaaxiga xuduuda, waxaana weeraradii u dambeeyay ay dhaceen maalmo ka hor

Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkasiary ayaa dhowaan sheegay in howl galka AMISOM uu kala dhantaalay Al-Shabaab, ayna keentay inay labo u kala jabaan sida uu yiri.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muddooyinkan soo baxayay warar sheegayay koox ka baxday Al-Shabaab ay ku biirtay Ururka Daacish, inkastoo Al-Shabaab weeraro ku qaadeen dagaalyahano ka goostay oo la midoobay Daacish.