Kooxda Chelsea Weli Kama Quusanin Soo Xero Galinta Weeraryahanka Reer France Antoine Griezmann

0
574

Antoine Griezmann

Madaama bisha Janaayo suuqa Yurub dib u furmi waxayna kooxda Chelsea sheegtay inaysan ka quusanin soo xero galinta weeraryahanka reer France Antoine Griezmann.

Xidigan kooxda Atletico Madrid ka tirsan ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda Chelsea tan iyo xagaagii hore balse dhowrkii todobaad ee ugu dambeesay lama soo hadal qaadin xiisaha ay u qabto Blues oo xero galinta Griezmann.

Balse masuul ka tirsan kooxda Chelsea ayaa wargeska Mirror u xaqiijiyay in kooxdiisa ay dalab rasmi ah oo ku aadan Antoine Griezmann u gudbin doonaan kooxda Atletico Madrid marka uu suuqa Yurub dib u furmo bisha Janaayo.

Chelsea ayaa u baahan gool dhaliye la isku haleen karo madaama kooxdan kaalinta 14-aad kaga jirto horyaalka England ayadoo leh 15-dhibcood.

Warar hordhaca ah ayaa lagu sheegay in Chelsea ay dalab £25m u gudbin doonto si looga iibiyo bisha Janaayo Griezmann.

Balse waxaa la filaa in ugu dambeyntii Chelsea ay xidigan ku heli doonto £35m qiimo ahaan madaama kooxo badan oo ay ka mid yihiin PSG iyo Bayern Munich ay saxiixiisa ku raad joogaan.