Kooxda Horseed Oo Usbuuc Gudihiis Ku Guuleysatay 2-Koob, kaddib Markale Ay Jug U Celisay Heegan Oo Ay Ka Qaaday Super Cup

0
444

Labada kooxood ee sida weyn u xifaal tama ee Heegan iyo Horseed ayaa kulan aad u xiiso badan waxa ay ku wada ciyaareen  garoonka Koonis ciyaartaas oo aheyd  Finalka koobka Super Cup-ka.

Sida sharciga ah koobkan waxaa la ciyaaraa inta uusan furmin horyaalka, waxaana wada ciyaara kooxda ku guuleysata Horyaalka iyo tii hanataa Janeraal Daa’uud.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar ah iyadoo labada kooxood ay iska lumiyeen fursado dhowr ah oo goolal loo filan karay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar baro 0-0, waxaana intii lagu kala maqnaa qeybtii hore ay xiriirku bixiyeen koobabka iyo abaal marinada saddexda heer ee dalkeena Soomaaliya.

Kooxda Heegan ayaa la guddoonsiiyay koobkii horyaalka ee Nationlink Champions Ship, oo ay ku guuleysatay halka kooxda Badbaado iyana la gudoonsiiyay horyaalkii heerka labaad oo ay ku qaaday 31 dhibcood iyo Midnimo oo lagu abaal mariyay horyaalka heerka saddexaad oo ay ku qaaday si awood ah.

Intaa kaddib waxaa dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ciyaarta Super Cup-ka iyadoo la wada kooxood ay lasoo baxeen qaab ciyaareed ka badallan kii qeybtii hore.

Weeraryahankii u dhaliyay goolka guusha kooxda Horseed kulankii Finalka Janeraal Daa’uud ee  Ayuub una dhahsya dalka Kenya  ayaa loo taagay kaarka cas kaddib qalad uu ku galay xiddiga Mahad Maicon.

Kooxda Heegan ayaa iska qasaarisay labo fursadood oo is xiga oo  waxaa ka badbaadiyay goolhaye Lehmann.

Macallinka kooxda Heegan ayaa sameyay bedelkiisii ugu horeeyay isagoo garoonka soo galiyay xiddiga Cisman Aayarta waxaana baxay xiddiga Siidii.

Sidookale macallin Cali Buu oo leyliyo Horseed ayaa garoonka soo galiyay xiddiga C/qaadir Dirreey waxaana lagu badelay xiddiga Cadaani.

Garsoore Maxamed Soomaali ayaa markale bixiyay kaarka casaanka waxa uuna siiyay Ciyaaryahanka garabka midig ee daafaca Horseed Maxamed Cabdi Qaxoow, kaasoo ka mid ah ciyaaryahanada ka yimid gobolka Shabeelada Hoose.

Heegan ayaa ka faa ideysan weysay kooxda Cawo iyo Maalin oo ku ciyaareysa 9 ciyaaryahan mahadaama Horseed labo xiddig laga siiyay kaarka gadduudan, waxaana ugu dambeyn ay ciyaarta kusoo dhamaatay bar baro 0-0.

Mahadaama kulanka uu ahaa mid kala bax ah ayaa labada kooxood waxaa la dhex dhigay gool ku laad waxaana riggooradii kowaad Heegan  ka qasaariyay xiddiga Shabeeloow.

Horseed ayaa dhankeeda tuuratay gool ku laadkii koowaad waxaana gool u badalay xiddiga Ciise.

Xiddiga reer Ghana ee Allii ayaa kooxdiisa u tuuray riggooradii labaad isagoona gool u badalay.

Daaficii hore ee Soomali Frouit Axmed Qadar Daalo ayaa ku dhuftay birta gool ku laadkii labaad ee loo dhigay kooxda Horseed.

Daafaca bidix ee Heegan ayaa isna dhankiisa qasaariyay riggoradii saddexaad ee Heegan isagoo birta kore ku dhuftay.

C/qaadir Xamar Weyne ayaa dhankiisa u dhaliyay riggooradii uu u tuuray kooxda Horseed.

Cismaan Aayarta oo ka tirsan Heegan ayaa kor marsiiyay waana riggooradii saddexaad ee laga qabto kooxda Heegan.

Ugu dambeyn Cali Yare oo Horseed ka tirsan ayaa soo qatimay isagoo dhaliyay riggooradii guusha ee kooxda Horseed waxaana Horseed ay guusha ku qaadatay 3-1 rigoorayaal.

Sikastaba kooxda Horseed ayaa toddobaad gudahiis waxa ay ku guuleysatay labo koob, iyadoo ka qaaday kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Heegan.