Maamulada Sh,Dhexe Hiiraan Iyo Oo Kawada Hadlayo Halka Lagu Qabanayo Shirka Maamul U Sameynta Labadaasi Gobol

0
333

Dowlada Soomaaliya wali go’aan kama gaarin halka lagu qabanayo iyo goorta la qabanayo shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe,waxaana jira ifafaalo muujinaya in magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne looga diyaargarowbayo marti gelinta shirkaasi.

Markii ugu horeysay Labada maamul Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa ka tashanaya halka sida rasmi ah loogu qabanayo shirkaasi oo lagu doonayo mideynta Labada shacab.

Gudoomiye kuxigeenka maamulka Gobolka Hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu socdo qorshe madaxda maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha uga tashanayaan magaalada ay tahay in lagu qabto,wuxuuna xusay in meel wanaagsan ay marayaan wada hadal u dhaxeeya Labada dhinac.

Wuxuu sheegay in madaxda Labada isku barteen shirarkii Wadatashi ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana isla meel dhigeen in maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ka tashadaan masiirkooda iyo waliba magaalada Haboon in lagu marti qaado Ergada shirka maamul u sameynta Labadaasi Gobol.

Mas’uuliyiinta Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa horay warbaahinta isku weedaarsaday Hadal u muuqday in maamul kasta uu doonayo shirka uu marti geliyo ama magaaladiisa lagu qabyo,inkastoo Dowlada Federaalka si rasmi ah ugu dhawaaqin halka shirkaasi uu ka dhacayo.

Dhinaca kale,Gudoomiye kuxigeenka maamulka Gobolka Hiiraan,Sheikh Xuseen Cismaan Cali ayaa Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ugu baaqay iney tixgeliso rabitaanka Shacabka Maamulka loo sameynayo oo go’aan kaliya iska gaarin,sida uu hadalka u dhigay.

Marar badan waxaa dib u dhac ku yimaaday qabashada shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Sh/dhexe,iyadoo loo aaneynayo sababo badan oo ay ugu horeysay is qab qabsi ku aadan hanaanka loo soo xulay Gudiga Farsamo ee labada Gobolka.