Maamulka galmudug oo sheegey in Colaada Gaalkacyo ay dhameyn karaan Puntland iyo Galmudug

0
424

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug uu u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug,isagoo sheegay inuusan aaminsaneyn iney jirto cid kale oo ku seddexeysay dagaalka.

Wuxuu sheegay madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed in loo baahan yahay Labada shacab ee walaalaha dagaalka ka dhex dhacay iyagu xalistaan oo ay ka yimaadaan wax waliba oo xumaan ah oo goobta ka dhacay,islamarkaana ka shaqeeyaan nabada iyo sidii deganaasho loogu noolaan lahaa.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug shalay waxaa ka dhacay Heshiis ka koobnaa 4-Qodob,kaasi oo dhexmaray maamulada Puntland iyo Galmudug ka dib dagaalkii 22-kii bishan Gaalkacyo ka dhacay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la tilmaamay dhibaatada meesha ay ka jirto si loo raadiyo xal kama danbeys ah oo la gaaro,wuxuuna hoosta ka xariiqay in muhiimada ugu weyn heshiiska Gaalkacyo iney tahay in lagu wada noolaado deganaasho iyo xasilooni raagta.

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo wadaaga maamulka Gaalkacyo ayaa dhawaan soo kala dhex galay xurguf dagaal oo dhanka Xuduuda ku saleysan,waxaana dagaalkaasi ku nafwaayay dad fara badan,kuwo kalena ay ku dhaawacmeen halka dad kale oo badan ay ku barakaceen.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in dib magaalada loogu soo celiyo dadkii ka barakacay magaalada si noloshoodii caadiga ahayd dib loogu soo celiyo.