{DAAWO SAWIRADDA} Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Tac-Siyadeyay Geriddi Ku Timid Col Areyta Muxumed Oo Ka Mid Ahaa Sarakisha Hiil Walaal

0
371

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Xassan kaafi Maxamed ibraahim ayaa sheegay in maamulka heer gobol iyo degmo Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo shacabka Soomaliyeed ee ku nool gobolka Hiiraan ay Tacsi u dirayaan shacabka iyo dowlada jabuuti geeridii ku Timid Allaha unaxariiste Areyta Muxumed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Hiil Walal oo maalintii shalay ku geeriyooday Magalaada Nairobi halkaaso dhawan loogu qaaday howlo Caafimaad isago Alle ugu baryay inuu janadii Fordowsa ka waraabiyo marxuunka.

”””naa lilaah wa inaa illayhi raajicuun Gudoomiyaha gobolka hiiraan dhamaan maamulka degmada Baladweyne waxaan halkan tacsi uga diraynaa madaxweynaha dowlada walaalaheen ah ee jabuuti ismaaciil Cumar Geelle taliyaha Ciidanka jabuuti Col Cismaan dubad Sugule dhamaan Ciidanka jabuuti Taliyaha AMISOM sector 4 Col Cabdiraxmaan Cabdi dhimbil dhamaan ciidamada hiil walaal ee nala joogo eheleda iyo qaraabada xaaskiisii iyo caruurtii uu ka geeriyooday alaha u naxariistee Komanda Arayta Houmed oo ku geeriyooday shalay isbitaal ku yaala kenya oo dhawaan loo geeyay sababa caafimaad runtii waxaan ku xusuusan doonaa wax badan oo wanaag iyo horumar ah oo uu gobolkan hiiraan ka qabtay janadii farduusa Allaha ka waraabiyo amin amin amiin ayuu’yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Xassan kaafi ibraahim

Allaha unaxariiste Areyta Muxumed ayaa ka mid ah Saraakiisha Ciidamada jabuuti ee ka howlgalka Gobolka Hiiraan isago ka qeyb qaatan Nabadeynta beelihii dhawan ku dagalamay Xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baladweyne u gar gaarida dadka dhibateysan iyo horumarinta Adeegyada Caafimaadka gobolka Hiiraan muddii uu ku sugnaa.

US-AFRICOM-Photo

US-AFRICOM-Photo (1)