Maamulka Puntland Oo Sheegtay In Dhawaan La Dhisi Doono Maxkamadda Dastuuriga Ah.

0
302

Xukuumad walba oo Puntland soo martay Todobo iyo tobankii sano ee Puntland ay jirtay mid walba waxaa waqtigu ka dhammaanayay iyadoo shacabka u sheegaysa inay dhisi doonto Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo aan illaa hadda jirin, waxaase soo baxaya warar sheegaya in Xukuumadda hadda talada haysa ee Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ay ku howlan tahay sidii Maxkamaddaas ay u dhisi lahayd oo u howlgalin lahayd.

Maxkamadda Dastuuriga ah waa midda ilaalinaysa dastuurka dalka u yaalla oo is hortaagi karta joojinna karta guud ahaan waxyaabaha aan dastuurka waafaqsanayn ee gudaha Puntland ka dhaca, waxaana guud ahaan Xukuumadihii hore ee Puntland mid walba ay wadnaha farta uga haysay haddii Maxkamaddaas la dhiso in isla xisaabtan dhab ah uu yimaado.

Wasiirka warfaafinta maamulka  Puntland Maxamuud Xassan Soocadde ayaa xajiiyey in dhawaan la dhisi doono Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ee Puntland, islamarkaasina Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu si gaar ah ugu howllan yahay dhismaha Maxkamaddaas.

Haddii la helo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, waxay ka dhignaan doontaa tallaabo ay Puntland horay u qaadday guud ahaan intii ay jirtay, waxaana Dastuurka Puntland uu noqon doonaa mid ilaashan oo qolo walba dhinaca uu ka quseeyo ay uga dhaqanto.

Ugu dambayntii dhismaha Maxkamadda dastuuriga ah ee  Maamulka Puntland ayaa ka mid ahayd waxyaabihii uu ballan qaaday inuu samayn doono Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas xilligii uu u tartamayey xilka madaxtinimada maamulka Puntland.