Madaxda Galmudug Iyo Puntland Oo Dhaqan Gilinaya Heshiiskii Gaalkacyo

0
481

Magaaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xaalad xasilooni ah ku jirta labadii maalin ee lasoo dhaafay kadib dagaalo culus oo halkaasi ka dhacay, waxaana hada heshiis laga gaaray sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi loona kala qaadi lahaa labada Ciidan.

Madaxweyayaasha  Galmudug iyo Puntiland oo shalay yeeshay kulankoodii sadaxaad ayaa isku raacay in la dhaqan galiyo heshiiskii ay wadagaareen lagana hortago in xabad dambe oo labada maamul u dhaxeysa ay ka dhacdo Magaaladada Gaalkacyo.

Kulanka labada Masuul ayaa lagu dhisay Guddiyo isku dhaf ah oo loogu tala galay in ay kala qaadaan labada Ciidan ee dagaalamay, waxaana la filayaa in maanta heshiiska la dhameestiro lana kala qaado Ciidamada Dagaalamay.

Madaxweynaha  Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Kan Puntiland Cabdi Weli Gaas ayaa amar ku siiyay taliyaashooda Ciidamada ee hogaaminayay Dagaaladii Gaalkacyo in aysan xabad dambe dhicin , waxaana muuqda in amarakaasi uu dhaqan galay.

Labada masuul oo ay wehliyaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiro iyo Hogaamiyaha Jubbalabd ayaa maanta la filayaa in ay socod kusoo maraan goobihii lagu dagaalamay si ay u muujiyaan in heshiis la gaaray .

Maanta la filayaa in Cabdi Wali Gaas iyo Cabdi Kariin Guuleed ay socod ku tagaan kuna kulmaan labada dhinac ee Magalaada Gaalkacyo ay ka arimiyaan labada Maamul ee Puntiland iyo Galmudug.