Madaxweynaha Galmudug Oo Sheegay Inuu Xiriir Dhexmari Dona Galmudug Iyo Ahlusuna

0
379

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Gulleed ayaa sheegay in maamulkiisa uu xooga saarayo sida lagu heli lahaa xiriir dhexmara Galmudu iyo Ahlusunna.

Waxa uu Madaxweyne Gulleed sheegay in Galmudug ay muhiim u tahay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya Ahlusunna garabka kasoo horjeeda maamulkiisa waxa uuna carab dhabay in wadahadalka uu wali yahay mid ka furan dhanka Galmudug.

Madaxweyne Gulleed waxa uu cadeeyay in wada-xaajoodkii ay dhawaan la galeen garab kamid ah Ahlusunna uu waxbadan ka bedelay howsha maamulka waxa uuna tilmaamay in mudada uu hadda jiro maamulkiisa uu waxyaabo badan u qabsoomay.

Wuxuu sheegay in hadda uu ku guuleystay dhisida Maamulo Degmo oo ay ku wada qanacsan yihiin Shacabka sidoo kale hub ka dhig Maamulkisa ay ku sameeyeen Maleeshiyaad ku sugnaa qeybo ka mid ah Galgaduud.

Sidoo kale, Madaxweyne Gulleed waxa uu sheegay in Galmudug ay ku guuleysatay in Kooxda Al-shabaab laga saaro deegaano ay kaga sugnaayen Gobolada maamulka taasina waxa uu ku sheegay mid kamid ah dadaalada uu maamulka wado.

Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay qeyb ka noqoto dardar galinta uu maamulka ugu jiro wada-xaajood lala furo garabka kale ee Ahlusunna ee ka gadooday dhismaha Galmudug.

Madaxweyne C.kariin Gulleed ayaa wacad ku maray in Galmudug aysan ku raali ahaan doonin in la qalqal galiyo amaankeeda waxa uuna sheegay in labada gacan ay kusoo dhaweyn doonaan cidii dooneysa wada-xaajood.