Madaxweynaha Jubaland iyo Col’ Barre Hiiraale Oo ku kulmaya Kismaayo

0
370

Madaxtooyada magaalada Kismaayo Ee  Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la filayaa inuu dhawaan ka qab soomo Shir lagu Heshiisiinayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam”Axmed Madoobe”iyo Siyaasiinta Mucaaradka ku ah oo uu ka mid yahay Col.Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale.

Shirka ayaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Kismaayo,iyadoo ujeedkiisa uu yahay sidii Siyaasiinta ka soo horjeeda Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha la iskugu keeni lahaa islamarkaana meesha looga saari lahaa Khilaadka jira.

Col.Aadan  Axmed Xuseen Hufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkaasi Dadka ka qeyb galaya uu ku jiro Col. Barre Hiiraale.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay inuu diyaar u yahay Wada-hadal uu lagalo Siyaasiinta Mucaaradka ah ee wax ka dabanaya Maamulkiisa.