Madaxweynaha Maamulka Koonfur G/Soomaaliya Oo Ka Hadlay Howlgalka Ciidamada

0
413

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa si adag u dhaliilay hakadka ku yimid howlgalada lagula dagaalamayo Ururka Al Shabaab ee Koonfurta Somaliya ka socdo.

Madaxweyne Shariif Xasan waxa uu sheegay Bulshada ku nool Gobolada Koonfur galbeed ee Somaliya inay qabaan walaac ku aadan dib u soo xoogeysashada Ururka Shabaab, maadaama hakadka marka uu ku yimaado howlgalka Shabaab ay awood soo yeelanayaan.

“Anaga marar badan waxaa noo muuqda Dagaalo ayaa Shabaab lala galayaa Xoogaa waa laga istaagayaa hadana Shabaabka waa ay soo xoogeysanayaan marka dadkii niyad xumaa ka hayso oo xitaa qaarkood waxa ay isleeyihiin hadii Shabaabka ay kasoo horjeesan lahaayeen beri ayeey nimankaan maamulka qabsanayaan sidaas awgeed ayeey dadka u cabsanayaan, waxaan codsanayaa in la dhameystiro howlgalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Inta badan howlgalada ay bilaabaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaanan laga gaarin natiijooyin fiican, maadaama Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM howlgalada aysan dhameystirin marka shabaab ku qaadaan.