Madaxweynaha Puntland oo aqbalay qodobadii uu Ra’iisul Wasaaraha soo jeediyay

0
317

Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay kulan u socday Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo kulankan goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo odayaal dhaqameedyo oo qeyb ka ahaa waan waanta laga dhex wado Puntland iyo Galmudug.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Puntland ayaa aqbalay qodobada uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha ee afarta ahaa, hase ahaatee waxaa uu diiday inuu la kulmo Madaxweynaha Galmudug.

Kulamada oo tan iyo saakay ay socdeen ayaa waxaa xooga lagu saarayay in dhinaca Puntland inay aqbalaan qodobadaas, iyadoo Madaxweynaha Puntland uu saxiixay heshiiska afarta qodob ahaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wada hadaladan goor dhow soo gaba gaboobay ay qeyb ka ahaayeen Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Ergey ka socday Midowga Afrika iyo Safaaradda Britain, waxaana la sheegayaa in xubnahan ka socday Beesha Caalamka gacan ka geysteen sidii xal looga gaari lahaa qodobada.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa xalay la sheegay inuu diiday qaabka loo marayo qodobada la soo jeediyay, isagoo dalbaday in odayaasha dhaqanka loo daayo, kuwaasoo markii hore arrinta ku jiray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii ay isku soo hor fariisan lahaayeen Madaxweynaha Puntland iyo dhigiisa Galmudug, inkastoo C/wali Gaas ka biya diidan yahay, isla markaana la sheegayo in Xiisada Gaalkacyo aanay Galmudug ka weyn tahay.

Intii wada hadalada socdeen ayaa waxaa is rasaaseyn kooban dhex martay Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ee wali isku hor fadhiya xaafadaha Gaalkacyo, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhalatay is rasaaseynta.

Dadaalada nabadeed ee ka socda magaalada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya Odayaal dhaqameedyo iyo Culumaa’udiin soo gaaray magaalada, kuwaasoo calamo cad watay, kuna baaqayay in labada dhinac gaaraan heshiis dhab ah.

Si kastaba ha ahaatee xiisada Gaalkacyo ka taagan iyo waan waanta ka socotay ayaa waxay hakad geliyeen shirarkii looga arinsanayay doorashooyinka sanadka 2016 iyo nooca la qaadanayo, waxaana bishan December loo balansanaa shir ay isugu yimaadaan Madasha wada tashiga qaran, kaasoo lagu shaacinayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta 2016