Madaxweynaha Soomaaliya Oo Hambalyo u Diray Ciidanka Booliska Soomaaliya

0
389

Madaxweynaha Dowlada  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayo 72’guuradii ka soo wareegtay Aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliya oo ku begned 20’ka December 1943’dii manta oo kale,

Munaasabadda oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, booliska iyo hay’adda Nabad sugidda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka iyo kan gobolka Banaadir, fanaaniinta kooxda Heegan.

Ciidanka booliska ayaa fagaaraha dugsiga sare ee tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, ku soo bandhigay gaaddo ka cayaar aad u quruxbadan, taasi ay la dhaceen intiii ka qeyb gashay xafladda, waxaana intaas kaddib loo gudbay hoolka ay fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka booliska dhankooda ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Aadan Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa ciidanka booliska meelkasta oo ay joogaan u diray hambalyo ku aadan xuska maalinta ciidanka booliska, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Sidoo kale Taliya hay’adda Nabadsugidda Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in ciidanka booliska ay kaalin weyn ku leeyihiin xaqiijinta amniga dalka, isagoo hambalyo u diray ciidanka booliska.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ciidanka booliska ay yihiin hooyada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidanka booliska ay ku guuleysteen fulinta mashaariic kala duwan oo qeyb ka ah dhiso dalkaaga.

Wasiir ku-xigeenka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa sheegay in ciidanka booliska ay door muuqdo ku leeyihiin xaqiijinta amniga dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda lagu xusayo 72guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa hambalyo u diray ciidanka booliska meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in ciidanka boolisku ay soo kabanayaan, isla markaana loo baahanyahay in lala shaqeeyo si ay u gutaan waajibaadka loo idmaday.