Madaxweynaha Soomaaliya Oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Xilkana Ka Qaaday…

0
381

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan , waxaana xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha ayaa u qorneed sida tan

XEER MADAXWEYNE LR. 87 TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN

MADAXWAYNAHA J.F.S

MarkuuArkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

MarkuuArkay : SharciLr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada
Degmooyinka iyo Goballada dalka

MarkuuTixgaliyey : Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee

December 19, 2015 kunasaabsan xilkaqaadis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Soo

jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee

December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

Markuu Garwaaqsaday : in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada

oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinlkadalkasi ay

mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

Qodobka 2aad

Waxa uu Xeerkaan u dhaqangelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud