{DHAGEYSO} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Shegay In Dalka ay Ka Jirta Siyaasad Xumo

0
393

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shegay in Siyaasad Xumida Soomaaliya haysata ay hor seedi karto in la gaari waayo halkii la hiigsanayay oo ah in dib loo soo celliyo kala danbeyntii iyo Dowlad wanaagii Dalka ka jiray.

Madaxweynaha ayaa Xusay in Ciidan kaliya aan wax lagu soo celin karin,waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya hadda ay leedahay Ciidamadii ugu badnaa,balse waxa ka maqan oo kaliya ay tahay in la Saxo Siyaasadda.

“Waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka go’an in ay soo celiso Dowlad Wanaaga iyo Abuurista Siyaasad Wanaagsan si loo samata bixiyo Ummadda Soomaaliyeed ee u baahan in ay helaan Nolol iyo Hormar taam ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in Dadkii Soomaaliyeed dhamaantood ay Siyaasadii ku mil meen oo Qofkii aad aragto uu ka hadlayo Siyaasad oo kaliya.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:-