Madaxweynaha Soomaaliya oo soo xiray Shir weynihii Qaran Ee Dhalinyarada

0
384

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynihii Qaran Ee Dhalinyarada oo Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirka oo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu Shalay ka Furay Muqdisho ayaa waxaa maanta laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 6 Qodob.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Xiritaanka Shirka  ayaa sheegay in ay Adag tahay in Xiligaan laga gudbo Nidaamka 4.5 Ee Soomaalidu ay wax ku qeybsato,waxaana uu xusay in ay u baahan tahay ka Gudbida Arrintaasi in Soomaaliya ay midowdo oo ay Gacmaha is qabsato.

“Waxaan Codsanayaa in Dadka Markasta dhaha Soomaaliya ha noo laato in la Joojiyo waayo Soomaaliya wey noo shahay oo ma dhiman,taa badalkeeda ha ku badalaan Soomaaliya ha israacdo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka gudbi karto Hanaanka 4.5 Ee Qabiilka ku saleysan markii Soomaaliya ay israacdo ayuu Xusay in Qabiil wax ku qeybsi laga bixi karo.