{DAAWO SAWIRADA}Madaxweynaha Turkiga oo Badbaadiyay nin rabay inuu iska tuuro Buundada Istanbul

0
306

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa la hadlay nin doonayay inuu iska tuuro buundada ku taal magaalada Istanbul, sida Xafiiskiisa uu sheegay.

Ninkan ayaa saarnaa qarka buundada Bosphorus oo isku xirta Yurub iyo Aasiya, waxaana uu ku dhowaaday inuu is dilo.

Xilliga ninkan doonayay inuu iska tuuro buundada ayaa waxaa maryay buundada kolonyo uu la socday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Muuqaalo Telefishinada soo bandhigeen ayaa muujinayay Ilaalada Madaxweyne Erdogan oo ninkan bad baadinaya, kuna qeylinayay is dilayo.

Ninkan ayaa markii dambe loo keenay Madaxweyne Erdogan oo aan gaarigiisa ka degin, xilli uu taleefan ku hadlayay.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ninkan doonayay inuu is dilo Madaxweynaha u balan qaaday caawimaad.

Ka hor inta aanu Madaxweyne Erdogan la hadlin ninkan ayaa waxaa muddo labo saacadood Booliska isku dayayeen inay ninkan bad baadiyaan, oo uusan naftiisa dilin.

Ninkan ayaa la sheegay inuu heystay dhibaatooyin xaga qoyska ah, sidaasna uu doonayay inuu isku dilo.

erdo-erdo1erdo2erdo3erdo4