Madaxweynaha Uganda oo Codsaday in la soo farogaliyo Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya

0
415

M/weynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa u soo jeediyay ururka Midawga Africa inay faraliyaan arrinta la xariirta muranka dhanka xaduuda ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

M/weyne Musaveni waxaa uu sheegay inuu waligeedba jiray dagaal qabow oo dhanka xaduudaha ah oo Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya kaasoo keenay inuu is faham waa yimaado.

In ururka midawga Africa uu arrintaan soo dhex galo si xal loogu helo arrintaan ayuu talo ahaan u soo jeedinayaa M/weynaha dalka Uganda.

“Dagaalka qabow ee xaduuda la xariira ee Soomaaliya iyo Kenya waa soo jireen waxaana ku baqayaa in labada dawladoodba ay is xaq-dhawraan” ayuu yiri M/weynaha Uganda.

Ururka Midawga Africa ayaa ku dhaliilay M/weynaha Uganda inay arrintaan aad uga gaabsanayaan marka si xal loogu helo ayuu soo jeediyay inay fara galin ku sameeyaan.

Sidoo kale Yuweri Musaveni waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in dawlada Soomaaliya laga taageero dib u dhiska iyo ciidamadeeda loo diyaarsho inay amaanka xaduudaha taasoo iyana xal u noqon karta in arrinta xaduuda la xariirta.

Arrinta ku saabsan xaduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya willi waa taagan tahay waxaana ay xoogeysatay markii dawlada Kenya ay sheegtay inay darbi ka dhisayso dhulka xaduuda ah wallow lagu eedeeyay inay dhanka Soomaaliya soo galisay.