Madaxweyne Opaama ”Ma Jiro Dagaal Udhaxeya Islaamka iyo Mareykanka

0
426

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in weerarkii arbacadii la soo dhaafay ka dhacay gobolka California ee lagu dilay 14 ruux uu ahaa weerar argagixiso.

Obama ayaa muujiyay inay jirto qatar dhab ah oo ka imaaneysa Argagixisada, laakiin waxaa uu xusay inay bur burin doonaan, Kooxda Daacish.

Waxaa uu sheegay in kooxda IS ama ISIL ay u taagan yihiin inay wax dilaan, isla markaana ay si qaldan u adeegsadeen diinta islaamka

Mar uu ka hadlayay weerarkii California ayuu sheegay in aysan jirin cadeyn muujinaya in weerarkaas ay raad ku lahaayeen ururada dibada,

Mr Obama wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dagaalkan aan loo arkin dagaal u dhaxeeya Mareykanka iyo Islaamka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan ku lug yeelan doonin dagaal dhulka ah oo ciidamada Mareykanka ka qeyb galaan, gaar ahaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Mareykanka ayaa hogaaminaya isbaheysi dagaal kula jira IS, waxaana duqeymo ay ka geysanayaan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.