Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamay maanta Magaalada Marka

0
420

Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa maanta mar kale ka dhacay Magaalada Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana dagaalka maanta uu daba joogaa mid Shalay halkaa ka dhacay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu geeystay Khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac,inkastoo aan la ogeyn Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay Tiradooda.

Afhayeneeka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Xuseen Sheene  ayaa sheegay in maanta Dagaalka uu mar kale dhacay islamarkaana uu dhexmaray Maleeshiyaadkii Shalay ku Dagaalay Magaalada.

Afhayeenka ayaa Xusay in Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose uu ku dadaalayo sidii uu u joojin lahaa Dagaalka Qabiilka ku saleeysan ee ka dhacay Magaalada Marka Ee Xarun Goboleedka Shabellaha Hoose.