Man United Oo Lacagihii Ugu Badnaa Ku Baadi Goobeyso Harry Kane Iyo Suurta Galnimada Ay Bisha Janaayo Ku Heli Karaan

0
424

 

Kooxda Man United oo u baahan gool dhaliye dib usoo celiyo farxada ka luntay taageerayaasha kooxdan ayaa dalab u direen Harry Kane.

Daily Star ayaa qoray in macalin uu maamulka Man United ka dalbaday in bisha Janaayo loo soo gacan galiyo kabtanka kooxda Tottenham Harry Kane.

Man United oo ka warqabto muhiimada uu Harry Kane u leeyahay kooxda Tottenham waxay miiska u saari doontaa dalab aysna diidi karin kaasi oo lagu sheegay £50m.

Waa qiimahii ugu sareeyay ee kooxda Tottenham fariin ahaan kusoo gaaro kaasi oo Harry Kane lagu doonayo waxaana arinkan ka wada hadli doonaan gudoomiye Daniel Levy iyo maamulka la shaqeeyaan.

Dhinaca kale Man United talaabo kale ayay qaadi doontaa hadii ay Harry Kane saxiixiisa ku guul dareesato waxayna dalban doontaa inay lasoo saxiixato Jamie Vardy oo weerarka kaga cayaaro kooxda Leicester City.

Hadi qorshaha ay ku dooneyso Kane iyo Vardy fashilmaa Man United waxaa dooqeeda sedexaad ah Sadio Mane oo isagana weerarka kaga cayaaro naadiga Southampton.

Ugu dambeyntii Sky Sport ayaa qoray in Man United bisha Janaayo lasoo saxiixan doonto ruug cadaa Ashley Cole si uu garabka bidixi ee daafaca man United ka heesato xidigan waaya araga ah xal ugu noqdo.

Harry-Kane-Man-United