Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Digniin Ka Soo Saaray Safaaradaha Reer Galbeedka Ee Dalka Shiinaha

0
351

Wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin ah suurtagalnimada in la weeraro deegaanada ay ku yaalaan xarumaha reer Galbeedka ee magaalada Beijing dalka Shiinaha maalmaha ciidaha masiixiga.

Safaarada Maraykanka ayaa sheegtay in ay heshay warar sheegaya in la qorsheynayo weeraro reer Galbeedka lala damacsan yahay deegaanka Sanlitun iyadoo Booliska Shiinahana ay adkeeyeen ammaanka.

Sidoo kale safaaradaha Faransiiska iyo Australia ayaa uga digey muwaadiniintooda inay feejignaadaan gaar aahaan xaafadaha mashquulka ah ee Sanlitun taasoo xarun  u ah safaarado badan.

Boolis hubeysan ayaa la dhigey wadooyinka deegaanada ku dhow dhow safaaradaha reer galbeedka iyadoo aan hore loogaga baran in ciidamo hub wata lagu arko fagaarooyinka.

Booliska caasimada Shiinaha ayaa soo saaray digniin hurdi ah maanta iyadoo ay tahay digniintan marka la soo saaro in ay jirto halis ka iman karto masiibooyin ama ammaan darro.

Feejignaanta haatan la soo saaray ayaa la filayaa in ay socoto illaa iyo sanadka cusub si loo xaqiijiyo amniga iyo kala dambeynta.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa markii loo dabaaldegayay sanadka cusub waxaa ku dhintey magaalada Shanghai dad gaaraya soddon ruux kuwaasoo u dhintey kadib markii dadku is riixriixaan oo dad badan lagu istaagay.