Mareekanka oo Fariin digniin ah u jeediyay kooxo Shabaab ay ka mid tahay

0
494

Madaxweynaha dalka Mareynkanka ayaa khamiistii shalay sheegay in argagixisadu Waji cusub ula soo baxday Mareynkanka,wuxuuna carabka ku adkeeyay iney is difaaci doonaan.

Sida lagu qoray Wargeyska New York Times,Obama oo hadal ka jeedinayay Xarunta ka hortaga waxa loogu yeeray argagixisada ee ku taalo Virginia ee dalka Mareynkanka ayaa si gaar ah diirada u saaray weeraradaii kala duwaan ee lagu qaaday magaalooyinka San Bernardino, Gobolka California iyo magaalada Caasimada u ah dalka Faransiiska ee Paris.

Sidoo kale,madaxweyne Obama ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadooda gaarka ah si adag u shaqeynayaan,isagoo tilmaamay iney qaarijiyeen Hogaamiyaasha Kooxaha ISIL ee Libya,Yemen iyo Soomaaliya.

Obama oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray wuxuu ugu yeeray kooxaha Argagixiso oo Al-shabaab ay qeyb ka yihiin in Hadii bartilmeedsadaan Mareynkanka aysan jirin doonin iyagana meel ay ku nastaan.

Wuxuuna sheegay madaxweyne Obama in meel waliba oo ay galaan ugu daba tagi doonaan,kana difaacan doonaan dalkooda.

Ugu danbeyntii madaxweynaha dalka Mareynkanka Barach Obama ayaa ugu baaqay laamaha amaanka ee dalka Mareynkanka iney ka feejignaadaan weerarada kooxaha Daacish oo ka jira dalalka Ciraaq iyo Syria iyo waliba ururka Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaa’ida.