Maxkamad ku taalla Koonfur Afirka oo xukun ku ridday burcad dil u geystay Ganacsade Somali ah

0
379

Maxkamadda sare ee magaalada Pretoria ee xarunta Koonfurta Afrika ayaa xukun ku ridday saddex nin oo Koonfur Afrikaan ah oo lagu helay inay dileen ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray, Axmed Salaad.

Eedeeysanayashan ayaa waxaa la sheegay inay bishii Juun ee sannadkii 2012-kii ay dileen marxuum Axmed Salaad kaddib markii ay ku weerareen dukaankiisa oo la oran jiray, Mike Supermarket oo ku yaallay tuulada Mdutjana oo ka tirsan gobolka Mpumalanga.

Ganacsadahan waxaa xilliga la tooganayay dukaanka la jiiftay labo ka mid ah shaqaalihii la shaqeynayay, iyadoo uu mid ka mid ah cararay, halka kii kalena uu isku qariyay qayb ka mid ah dukaanka.

Mid ka mid ah gacan-ku-dhiiglayaasha oo lagu magacaabo, Themba Mathibela ayaa waxaa la sheegay inuu ganacsadaha toogtay, ka hor inta aysan isaga iyo burcadda kale khasnadda kala bixin lacag dhan 2,500 oo Rand-ka laga isticmaalo Koonfur Afrika ah; iyago sido kale boobay alaabahii yaallay dukaanka.

Sidoo kale, garsooradda maxkamadda oo lagu magacaabo, Mamona Teffo waxay gacan-ku-dhiiglayaasha ku xukuntay min 20-sano oo xabsi ah, inkastoo xukunka gacan-ku-dhiig-layaashan la sheegay inuu ahaa xabsi daa’in ah ama madaxaa ha ku furto.

Garsooradda ayaa waxay kaloo sheegtay in marxuumka la dilay uu Koonfur Afrika u yimid si uu u helo nolol wanaagsan iyo inuu u shaqeeyo dadkiisa ku nool Soomaaliya oo aad u dhibaateysan.

Dhanka kale, marxum Soomaaliyeed ee la dilay, Axmed Salaad ayaa dukaanka lagu dhax-dilay lahaa, wuxuuna ahaa nin dhallinyarro ah oo 26-jir ah.

Ugu dambeyn, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa xukunka lagu riday burcada soo dhaweeyay, kuwaasoo ay xuseen inay dhibaata weyn ku qabeen, isla markaana dhac badan ay u geeysteen.

Si kastaba ha ahaatee, waxay jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsadeen Dowladda Koonfur Afrika in sidan oo kale cadaalada loo mariyo kooxaha burcadda ah ee caadeystay dhaca iyo dilka Soomaalida ay u geystaan; mana aha markii ugu horreysay oo maxkamada ku taala Koonfur Afrika ay xukun noocan oo kale ah ku riddo burcad dil u geeystay muwadiniin Soomaaliyeed.

sout africa

Cumar Muxumed Maxamed

Radio Hiranweyn
Magalada  Johannesburg, Koonfur Afrika
Cumar065@hotmail.com