Puntland Iyo Jubbaland. Oo diiday in ay la Qeyb Galan Shirka Doorashooyinka Iyo Ra’isul wasaraha Somalia Oo ku Howlan xalinta maamuladaasi

0
400

Maanta oo ah Sabti waxaa la filayay in Magaalada Mqdisho uu ka furmo Shir looga hadlayo Nuuca doorasho ee Dalka ka dhici doonta Sanadka 2016,waxaana la sheegay in Sababta ugu weyn ay tahay ka dib markii qaar kamid ah Maamul Goboleedyada ay diideen in Doorashada ay noqoto Hanaanka loo yaqaano 4.5 oo ah Nidaamka ay ku dhisan tahah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda jirta,waxaana Maamulaadaasi ka mid ah Puntland iyo Jubbaland.

Puntland iyo Jubbaland ayaa doonaya in doorashada la qaban doono in lagu saleeyo qaab deegaan islamarkaana laga gudbo Nidaamka 4.5 oo ay ku tilmaamen Nidaam Huwan Dulmi iyo Dadka Soomaaliyeed qaar oo Xaqoodii la dood siiyay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ku dadaalaya sidii Puntland iyo Jubbaland loogu qancin lahaa in ay raacaan Maamulada kale iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo doonaya in Doorashada lagu saleeyo Nidaamka 4.5.

Puntland  ayaa sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin in Nidaamka 4.5 lagu saleeyo Doorashada la doonayom in ay ka dhacdo Soomaaliya marka la gaaro 2016.