Qarax Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Koofurta Nigeria

0
350

Qarax ka dhacay xarun lagu iibiyo lagana soo saaro gaasta ayaa sababay in dad badan ku dhinteen qaar kalana ay dhaawacyo halis ah ka soo gaaraan koofurta dalka Nigeria.

Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in dabkan uu qaatay un muddo shan saacadood oo xiriir ah uu socday ayna shaqaalihii iyo macaamishii goobtaasi oo ku taal Nnewi oo ah gobolka Anambra ay jirkooda aad u gubteen oo aan la kala aqoonsan karin meydadkooda, qaar kamid ah shaqaalahana ay ku jiraan gudaha goobta uu dabku ka kacay.

Ilaa hadda lama oga tirada dadka ku dhintay hase yeeshee Madaxweynaha dalka Nigeria Buhari ayaa ka hadlay dabkan, isagoo sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dabka laakiin warbaahinta gudaha waxay sheegayaan in shaqaalaha gudaha ku jiray aanay badbaadi karin.

Qaar badan oo macaamiisha ah ayaa u tagay halkaasi si dhalooyin ay gaas ugu soo shubtaan munaasabadda masiixiga.

Wararka ayaa sheegaysa in qaraxu dhacay markii baabuur weyn uu qarxay kadib markii uu gaas halkaasi ku gediyay.