Qarax Ka Dhashay Mid Kamid ah Basaska Ka Shaqeya Magaalada Nerobi

0
401

Ugu yaraan 15 ruux oo rakaab ah ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhashay mid ka mid ah Basaska ka shaqeeya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxa uu ahaa qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhex dhacay gudaha gaariga dadweynaha ee loo yaqaano Matatu, xilli uu marayay agagaarka halka lagu magacaabo Umoja.

Baabuurta gurmadka deg dega oo gaaray goobta ayaa qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaas, waxaana loola cararay Isbitaalka Kenyatta National Hospital iyo isbitaalo kale oo ka ag dhow halka qaraxa ka dhacay

Goob joogayaal ayaa sheegay inay maqleen qarax xoogan, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu ka dhashay qof sitay jeerigaan shidaal ah oo saarnaa gaariga.

Taliyaha Booliska Nairobi Japeth Koome ayaa sheegay in aanay ogeyn waxa sababay qaraxa, hase ahaatee ay baarayaan.

Geesta kale Kaniisad ku taal deegaanka Kutus ee gobolka Kirinyaga ee dalka Kenya ayaa laga helay waxyaabaha qarxa (IED), iyadoo boqolaal ruux ay isu diyaarinayeen in shalay oo Axad aheyd ay kaniisadaas ku cibaadeystaan.

Waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu dhex qariyay miis hoostiisa, iyadoo ay arkeen dad ka mid ah kuwii ku cibaadeysanayay, waxaana goobta ay noqotay mid jahwareer ah, laguna kala cararay.

Booliska ayaa qarxiyay waxyaabaha qarxa, iyadoo dadkii faraha badnaa ee ku cibaadeysanayay laga daad-gureeyay goobta, markii la helay waxyaabaha qarxa.