{DAAWO SAWIRADA}Qasaaraha uu dagaalku leeyahay iyo sida ay u bur burtay Magaalada Ramaadi

0
434

Magaalada Ramaadi ee Dalka Ciraaq waxa ay kamid aheed magaalooyinka ugu quruxda badan dalkaasi, Muuqaalka magaalada ayaa hada is badalay, waxaana ku dhacay magaalada bur bur baahsan kadib dagaalo culus oo halkaasi ka dhacay.

Maalmihii lasoo dhaafay magaaladaasi waxaa kasocday dagaalo aad u xogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Ciraaq iyo Kooxda Daacish, dagaalka waxaa dhinac socday duqeynta dhinaca cirka ah ee loo geesanayay Magaaladaasi.

Ciidamada Dowlada Ciraaq ayaa hada qabsaday inta badan magaalada Ramaadi, waxaana sawiro laga soo qaaday magaladaasai muujinayaan sida ay magaaladu u bur burtay iyo saameynta uu magaaladaasi ku yeeshay dagalaadii cuslaa ee halkaasi ka dhacay.