Ruug Cadaa Dennis Bergkamp Oo Dib Ugu Soo Laaban Doono Dalka England Iyo Kooxaha Lala Xariirinaayo

0
454
Dennis Bergkamp, Ajax assistant coach

 

Halyeega kooxda Arsenal iyo xulka Holland Dennis Bergkamp ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto dalka England.

Dennis Bergkamp haatan waa macalinka labaad ee naadiga Ajax balse qabiirkan ayaa lala xariirinaa inuu hogaanka naadiga Reading la wareegi doono.

Wargeska Daily Mirror ayaa sheegay in Dennis Bergkamp uu ka mid yahay macalimiinta ugu cad cad ee hogaanka naadiga Reading lagu wareejiyo ayay u badan tahay wuxuuna usoo safri doono dalka England maal maha nagu soo fool leh.

46-jirkan sanadii 2006 ayuu cayaaraha ka fariistay asigoo Arsenal u dhaliyay 120-gool wuxuuna xiligaas u saftay 423-kulan.

Kooxda Reading ayaa dhawaan iska racadeesay macalinkeedii kowaad Steve Clarke madaama naadigan heerka labaad uu hoos u dhac heesto.

Sidaa darteed taageerayaasha kooxda Reading ayaa dalbanayaan in nasiibka Dennis Bergkamp lagu tijaabyiyo kooxdan damaca xoogan kaga jiro kusoo laabashada EPL.