R/Wasaara Soomaaliya Oo Ka Hadlay Wadahadalo Lagu Wado Iney Dhexmaraan Galmudug Iyo Ahlusuna

0
341

Maammulka Gal-mudug iyo Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa lagu wadaa in ay dhawaan Wadahadallo uga Furmaan Magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, iyadoo wadahadalkan uu soo dhaweeyay R/Wasaaraha soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Wadahadalladan ayay dhinacyadu uga heshiin doonaan kala aragti-duwanaan muddo kusoo dhex-jirtay, waxayna kusoo beegmayaan wadahadalladan xilli uu dhawaan madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed uu sheegay inuu wadahadallo la furi doono Ahlusunna Waljamaaca.

Cumar C/rashiid Cali R/wasaaraha xukuumada ayaa war-saxaafadeed xafiiskiisa kasoo baxay maanta wuxuu ku sheegay inuu soo dhaweynayo, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay inay wadahadaladan noqdaan kuwo miro-dhal ah.

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa wuxuu maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Wal-jamaacah ugu baaqay dhinacyada inay muujiyaan, dabacsanaan, isku dhego-nuglaan, Soomaalinimo iyo inay ka miro-dhaliyaan wadahadalladooda.

Geesta kale R.wasaare  Sharma’arke ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Federaalka Somalia ay ka qaadan doonto kaalin mug leh fududeynta wadahadalkan iyo ka mira dhalinta shirkaasi, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga gudbo khilaafka loona gudbo is-faham iyo wax-wada-qabsi.

Maamul-goboleedka Galmudug ayaa horay heshiis ula galay garab ka mid ah garabyada Ahlusunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe, inkastoo ay heshiiskaas kasoo horjeesteen garabka kale oo la filayo inay haatan wadahadallo u furmaan.