Shiinaha oo balan qaaday in 60 bilyan ku bixinayo hormarinta iyo maalgashiga Afrika

0
486

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa balan qaaday inuu dalalka Afrika ku caawinayo illaa lixdan bilyan oo dollarka Mareykanka ah, kadib khudbad uu ka jeediyay shirkii u dhaxeeyay Shiinaha iyo Afrika ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Xi Jinping ayaa sheegay in lacagahan ay noqon doonaan deymo la siinayo dalalka Afrikaan iyo barnaamijyo mashaariic, oo isugu jira korontada, qadad tareeno, jidad iyo mashaariicyo kale oo uu Shiinuhu ku horumarinayo Afrika.

Sidoo kale Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu mar walba ixtiraami doono Madax banaanida dalalka Afrika,

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma oo khudbadii xiritaanka ka jeediyay shirka ayaa sheegay in xiriirka dhow ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika uu yahay mid guul ah, isla markaana iskaashi dhab ah labada dhinac dhex mari doono

Jacob Zuma ayaa uga mahad celiyay dhigiisa Shiinaha qaadashada doorkiisa ku aadan xiriirka Afrika oo gaaray heerikii ugu sareeyay abid.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wada shaqeynta Shiinaha iyo Afrika ay tahay mid ku saleysan, daacadnimo, aaminaad, sinaan, isagoo xusay inay tahay wada shaqeyn guul iyo faa’ido leh.

Shiinaha ayaa dalalka afrika u soo dhoofiya waxyaabaha uu sameeyo, waxaana uu ka faa’idaa malaayiin doolar, sidoo kale waxaa iyana Afrika looga dhoofiya waxyaabo kala duwan.

Shiinaha.jpgiyo africa