Shir Lagu Shaacinaayo Doorashada 2016’ka ka Dhaceysa Somaliya Oo Ka Furmay Muqdisho

0
290

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shegayaan in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu gordhaw ka furmay Shirka lagu iclaaminaayo nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka.

Waxaa ka qaybgalaya Shirkaan Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynayasha maamulada ka jira dalka Wakiilo ka socda Beesha caalamka iyo xubno kale oo lagu marti qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya oo furay Shirka ayaa sheegay in uu aad u ammaanayo Nabadii ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo Dowladda Somaliya ay dhiiragelisay dadaal badana ku bixisay.

Madaxweynaha Somaliya ayaa wuxuu ka hadlay arimaha ku aadan ammaanka, Dhaqaalaha iyo taageerada Beesha caalamka ay siiso Dowladda Federalka Somaliya.

Khudbada Madaxweynaha waxa kale uu ku sheegay muhiim inay tahay in la helo Doorasho Somaliya ka dhacdo, balse loo baahan yahay in la ogaado nooca doorashada ay noqonayso.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale Khudbado ka jeediyay Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Galabta ayaa la filayaa Shirkaan in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho, laguna shaaciyo nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceyso sanadka 2016-ka.