Shirka Madasha Wada Tashiga 2016′ Oo Ka Socda Muqdisho iyo Khudbada Laga Jediyay

0
335

Shirka labaad ee Madasha wada tashiga heerka qaran ee looga hadlayo hanaanka geedi socodka doorashooyinka sanadka 2016, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo shirkan uu soconayo muddo labo cisho ah.

Shirka ayaa waxaa lagu lafa gurayaa natiijooyinkii shirarkii wada tashi ee ka dhacay magaalooyinka dalka, inkastoo natiijooyinka ka soo kala baxay shirarkaas ay yihiin kuwo lagu kala aragti duwan yahay qaabka doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka 2016.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominaya shirka ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kulamo wada tashi u socday Madaxda dowladda iyo Madaxda maamul goboleedyada, waxaana uu rajo ka muujiyay in la isku soo dhowaan doono, isla markaana fikradaha la soo uruuriyay loo qaabeyn lahaa, lagana dhigo siyaasad qaran oo dalka ku shaqeysa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in tanaasul laga muujiyo hanaanka doorashooyinka sanadka 2016, isla markaana ay muhiim tahay in wax dalka iyo dadka dan u ah la isku raaco sida uu yiri.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee xafiiska baneyneyna Nicholas Kay ayaa sheegay in dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka aysan marnaba raali ka aheyn inuu dhaco waqti kororsi, isla markaana loo baahan yahay in qaab wanaagsan loo wajaho hanaanka doorasho 2016.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirar wada tashi oo ka dhacay lix magaalo oo ka tirsan Puntland ay talooyinkii shacabka soo jeediyeen uu ahaa in doorashada 2016 lagu saleeyo hab deegaan, isla markaana aan loo baahneyn xildhibaan dambe oo aan matalin deegaankiisa.

C/wali Gaas ayaa sheegay in aragtida shacabka ay matalaan ay xushmeynaya, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo nidaamkii 4.5 ee beelaha wax ku qeybsan jireen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in sanadka 2016 uu is bedel dhaco, isagoo ku baaqay in lagu soo doorto doorashada 2016 dadka ka mid noqonaya Baarlamaanka degmooyinka gobolada dalka 18-kii gobol.

Shirka oo loo baxay qado ayaa la filayaa inay madaxda kale ee harsan iyo kuwa beesha Caalamka ay khudbad ka jeediyaan, waxaana muuqata kala aragti duwanaan la xiriirta nooca doorasho ee la qaadan doono sanadka 2016, waxaana la ogeyn sida fikradaha kala duwan ee ay qabaan isugu soo dhowaan karaan.

Shirka ayaa laga rabaa in go’aan kama dambeys uu ka soo baxo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sanadka 2016, waxaana laga yaabaa hadii maalinta berri go’aano ka soo bixi waayaan, in maalin saddexaad loo gudbo, iyadoo qorshuhu yahay ka hor shirka ka dhacaya Istanbul bisha Febraayo sanadka 2016 go’aan kama dambeys la gaaro.