Shirka Madasha Wada Tashiga Oo Laga Soo Saaray Qodobo Muhiim ah

0
274

Shirka looga tashanayo qaabka ay noqon doonto Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016 ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Wararka ka imaanaya goobta shirka lagu soo gabo gabeeyay ayaa tilmaamaya in kulankii maanta laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob waxaana qodobada ka mid ah in la dhiso Golaha aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka, iyadoo la isku dheeli tirayo qaababka lagu soo xulayo ee 4.5 iyo hab deegaan intuba.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka kajira, Mas’uuliyiin ka socda Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ,Ergo ka socota Ururada Bulshada rayidka iyo Beesha caalamka ayaa haatan la soo gabo gabeeyay.