Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo Manta Lagu Wado In La so Gabagabeeyo

0
501

Maanta oo Talaado ah 15 bisha December waxaa lagu wadaa Magaalada Muqdisho in lagu soo xiro Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee looga hadlayay Geedi socodka 2016.

 

Shirkaan oo uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud 13-kii Bishaan ayaa waxaa Furitaankiisii hareeyay kala Aragti duwanaan u dhexeeysa Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku aadan qaabka ay ku imaan karaan Xildhibaanada badalaya kuwa hadda jira.

 

Sidoo kale shalay waxaa Muqdisho ka dhacay Shirar Gooni Gooni ah oo Madaxda Dowladda Federaalka ay la yeesheen Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland si loogu qanciyo in Doorashada soo socota lagu saleeyo qabiil oo Baarlamaanka lagu soo Xulo Hanaanka 4.5.

 

Madaxda Soomaalida ayaa Shirka maanta waxaa la filayaa in ay ka soo saaran War-murtiyeed ku aadan Waxyaabihii Shirka inta uu socday ka soo baxay ee ay isla qaateen Madaxda Dowladda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Dhexe.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu wali jiro Khilaaf ku aadan Qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka soo socda Degaan ama Qabiil.

shirka 1