Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo Muqdisho ka Furmay

0
291

Waxaa Goor dhaw Muqdisho gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka Furmay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo diirada lagu saarayo Geedi Socodka Doorashada 2016,waxaana furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Guddiga qaban qaabada Shirka ayaa sheegay inuu socon doono Mudo Labo Maalin ah,waxaana dhici karta in ilaa Saddex Maalin uu socdo.

Shirka ayaa la filayay in Shalay oo Sabti aheyd uu ka furmo Muqdisho,balse waxaa uu hakad u galay Kala Aragti duwanaan Madaxda Maamul Goboleedyada ka dhex jira oo ku aadan qaabka ay noqoneyso Doorasho dalka ka dhacda 2016.