Tahriibayaal Soomaali ku jiraan oo ku dhintay xeebaha dalka Turkiga

0
413

Ku dhawaad lix caruur ah ayaa geeriyootay sideed ruux oo kale oo tahriibayaal ahna waa lasoo badbaadiyay kadib markii dooni ay la socdeen muhaajiriintaasi ku quustay meel ku dhow xeebaha galbeedka dalka Turkiga.

Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan tahriibayaal gaaraya 12 ruux la weysan yahay halka 26 kala laga badbaadiyay meel ka baxsan xeebaha dalka Turkiga.

Hayada ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhawaad 11 ruux oo kale ay badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha dalka Greek waxaana ku jiray shan caruur ah oo tahriibayaasha kamid ahaa.

Dadkaasi ayaa badankooda ayaa ka tagay dalalka Pakistan, Morocco, Algeria iyo dalka Soomaaliya, waxaana booliska ay sheegeen iney socon doonaan badbaadinta dadka tahriibayaasha ah.

Wadamo badan oo ku yaala Africa ayaa waxaa ka tahriibay dhalinyaro badan oo doonaya iney helaan nolol dhaanta midda dalalkooda ku heystaan