Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Galgaduud oo la dilay iyo Ninkii Dilay oo Asna is Dilay

0
300

Wararka ka imaanaya Degmada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Galabta Saldhiga Ciidamada Booliska Degmada Caabudwaaq lagu dilay Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Galgaduud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Faarax Warsame Cilmi Galan-gooli.

Dilka ayaa la sheegay inuu geeystay Nin ku Hubeeysnaa Qoriga  loo yaqaano Eke-47,kaas oo Taliyaha ku dhex dilay Saldhiga Booliska ee Degmada Caabudwaaq.

Wax yar ka dib ayaa Asna waxaa Magaalada Caabudwaaq  Isku Dilay Ninkii Hubeysnaa ee Dilay Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Galgaduud Marxuun Faarax Warsame Cilmi.

Sababta Ninkaan Hubeysan uu u Dilay Taliyaha Ciidamada Booliska Ee Gobolka galgaduud asna isku dilay ayaan la ogeyn,iyadoo aysan jirin Cid wali Xaqiijisay Ninka wax dilay ka dibna is dilay in Maskaxda looga jiro iyo in kale.

Maamulka Galmudug Ee Degmada Caabudwaaq  wali wax war ah kama soo saarin Dhacdada Galabta ka dhacday Magaalada.