Tiro Dad ah Oo ku Dhintay Rabshado ka dhacay Caasimadda Dalka Jabuuti

0
471

Lama tirada rasmiga ah ee wax ku noqotay iyo kuwa ku dhaawacmay Rabshado maanta ka dhacay magaalada Jabuuti ee Waddanka Jabuut, ayaa haddana guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga mucaaradka USN wuxuu sheegay inay 19-qof oo shacab ah ku dhinteen rabshadihii maanta dhacay.

Guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga USN, Cumar Cilmi Khayre oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in dadka la laayay ay soo weerareen ciidamada Qaranka Jabuuti, xilli ay dhiganayeen mowliid, isla markaana xusayeen Sheekh Yoonis oo culummada Jabuuti ka mid ahaa.

Mar la weydiiyay sababta loo weeraray ayuu ku jawaabay inay u maleynayaan in ay tahay inay taageersan yihiin mucaaradka dalka Jabuuti, waxaanan si aad ah uga xunnahay in la weeraro dad shacab ah oo mowliid dhiganayay.

Sidoo kale, mar la weydiiyay sida ay tirada dhimashada ee intaan ah ku heleen ayaa kaga jawaabay inay goobta rabshadu ka dhacday tageen, ayna arkeen maydadka, isagoo meesha ka saaray in hadalkiisu uusan been ahayn oo berri la arki doono, sidii ay wax u dhaceen iyo khasaarihii dhashay.

Khayre ayaa hadalkiisa ku daray in la weeraray xubno ka tirsan mucaaradka dalka Jabuuti, saddex ka mid ah la dhaawacay, wuxuuna saddex ruux ee dhaawacmay magacyadooda ku kala sheegay; C/raxmaan Maxamed, Geeddi Siciid Xuseen iyo Axmed Yuusuf.

Dhanka kale, War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa lagu sheegay in xukuumadda Jabuuti ay ka go’an tahay inay sugto ammaanka shacabka Jabuuti.

Warbixinta ayaa lagu xusay in rabshadahan ay ka dhaceen dulleedka Xaafadda Bal-balal, kaddib markii tobaneeyo ruux oo hubeysan ay rasasas la beegsadeen ciidamada amniga, ciidamaduna ay ka jawaabeen rasaastaas.

Qoraalka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in gacanta lagu dhigay toddoba qof oo la sheegay inay ahaayeen kuwii soo abaabulay rabshadahan; iyadoo wasiirku uu ku sheegay qoraalka in dadkan maxkamad lasoo taagi doono si waajibkooda loo mariyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa falkaas ku tilmaamay mid loola dan lahaa in nabad-galyada Jabuuti qalqal la geliyo, lana kala qaybiyo shacabka; ayna soo abaabuleen kooxo lagu sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxo ku sugan dibadaha. Iyadoo shacabka Jabuuti loogu baaqay inay nabadgalyada wada-ilaaliyaan.