Waa sidee Caawa xaalada magaalada Gaalkacyo Heshiisyadii maanta dhacay kadib

0
362

Xili maalmahaani ay qasneyd xaalada gaalkacyo ayaa waxaa durbadiiba maanta magaalada laga dareemay jawi degan oo ifafaalo u ah heshiiskii maanta ay maamulada Galmudug iyo Puntland ku wada gaaren Gaalkacyo.

Guud ahaan xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid xasiloon waxaana maanta dib u furmay wadooyinkii u kala xirnaa ciidamada galmudug iyo Puntland.

Deegaanadii laga barakacay ayaa waxaa heshiiskii maanta kadib gaaray Barakacayaal aad u bada kuwaasi oo caawa u hoyaaday guryihii ay degnaayen oo ay uga carareen rasaastii ay is weydaarsanayeen ciidamada labada maamul.

Goobaha lagu qaxweeyo ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa caawa ku shaahaya Odayaal iyo dhalinyaro kuwaasi oo falanqeynaaya Heshiiskii maanta dhacay iyo dagaaladii maalmahaani ka socday magaalada.

Dadka qaar ayaa intooda badan qaba in maanta ay u dhalatay maalin wanaagsan oo ay uga baxeen Colaadii dhalisay dhiiga iyo barakaca waxa ayna bilaaben inay u kala socdaalaan goobihii kala xirnaa iyaga oo aan cabsi ka qabin colaad.

Masuuliyiinta Dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa sidoo kale caawa si nabad ah ugu hoyaneysa magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiintaasi ayaa caawa shirar caadi ah ku qaadaneysa Gaalkacyo, waxaana loo badinayaa in maalinta bari ah qaarkood ay ka safraan Gaalkacyo si ay dib ugu laabtaan Goobaha ay kasoo kictameen, inkastoo ay wali jirto baahi loo qabo in kulamada lasii ambaqaado.

Si kastaba ha ahaatee, Xaalada ayaa ah mid degan waxaana meesha ka baxay cabsiyihii laga qabay in isku dhac kale uu dhexmaro ciidamada Galmudug iyo Puntland.