WAR DEG DEG AH: Sarkaal ka Tirsan Ciidamada dowlada oo lagu dilay Baladweyne,

0
304

sarkaal ka Tirsana Ciidanka Dowlada Federaalka ee ka Howlagala Gobolka Hiiraan ayaa gordhow lagu dilay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne,

Dilka Sargaalkan ayaa waxaa geystay mid ka mid ah Maleeshiyadka ku dagalamaya Xaafadda Holwadaag iyado marxuunka la dilay uu ka mid ah Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Dolwada iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan oo  Saaka kala dhax galay dhinacyada isku haya Xaafadda Holwadaag ee Baladweyne,

Allaha unaxariiste  Marxuunka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Maxamed Mumiin Cirba dheere, waxaan uu ka mid ah Saraakiish Ciidamada dowlada iyo odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee dhax dhaxaadiinta ka wada labada beelood ee malmahan ku dagalamay Xaafadda Holwadaag,

Odayasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa Subaxnimadii hore ee Saaka ku guuleystay in Xabad joojin la kala dhax dhigo labo beelood oo wada dega Galbeedka Gobolka Hiiraan kuwaaso malmahan   dagal Culus uu ku dhaxmarayay Xaafadda Holwadaag,

Dilka Sargaalkan ayaa ku soo beegmaya Xili Magalaada Baladweyne ay ku sugan yihiin Wafdi iskugu jira Wasiiro Xildhibaano iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug kuwaaso ka qeyb qadanaya dhax dhaxaadiinta beelo ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag ee Magalada Baladweyne,