WAR DEG DEG AH:- Uruurka Suxufiyinta G/Bolka Hiiraan Oo Doortay Hogaan Cusub+SAWIRRO

1
513

Suxufiyiinta G/Bolka Hiiraan ayaa manta waxaa aay doorteen hogaan cusub kadib marki uu waqtigisa uu dhamaday hogaanki hore ee suxufiyinta g/bolka hiiraan.

Munasabad ka dhacday manta oo jimce ah xaruunta hotel kamil ee magalada beledweyne waxaa kaso qeyb galay duqa degmada beledweyne cumar adan deqoow  suxufiyinta g/bolka hiiraan wax garaad haweyn iyo qeybaha kala duuwaan ee bulshada.

Jamal Cali Yare ayaa loo dortay in uu noqdo gudoomiyaha suxufiyinta g/bolka hiiraan mudada soo adan xilkaas hayn doona waxana uu badal uu noqon doona gudoomiyihi hore ee suxufiyinta g/bolka hiiraan C/Risaaq Maxamed C/Dullaahi Alcadala.

Gudoomiye ku xigeen suxufiyinta g/bolka hiiraan ayaa isna loo dortay  cisman adaan careeys halka xogeyaha guud ee uruurka suxufiyinta g/bolka hiiraan loo dortay in uu noqdo sadaq cumar carte coonka.

Marka aay soo dhamatay dorashada guud ee hogaanka loogu doranayay uruurka suxufiyinta g/balka hiiraan ayaa waxa halkaas hadalo iyo bogadin kala duuwaan kaso jediyay xubno ka mid ah suxufiyinta g/balka hiiraan kuwaas oo uu hambalyeyay hogaanka cusub.

Hogaankan ayaa waxaa laga war sugayaa in uu qabto howlo badan oo ku adan hormarinta uruurka suxufiyinta g/balka hiiraan iyo koru u qadiida tayadooda aqooneeyd.

Uguu danbeeyn dorashada ayaa kuso dhamatay jawi wanaagsan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Wariyaasha (18)

Comments are closed.