War Deg Deg Ah Xabad Joojin aan Cago Badan Ku Taagneyn Oo la dhex dhigay Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Baledweyne

0
311

Iyadoo Labadii Maalin ee la soo dhaafay Magaalada Baledweyne uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa Shalay galinkii danbe waxaa Odayaal iyo Waxgarad  ka soo jeeday Gobolka ay Xabad Joojin kala dhex dhigeen Xabad Joojin KMG ah oo la doonayo in lagu Xaliyo Dagaalka Baledweyne.

 

Waxgaradka Xabad Joojinta kala dhex dhigay Maleeshiyaadka ku Dagaalamay xaafadda Howlwadaag ayaa waxaa Hogaaminayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo Mudooyinkaan ku Howlanaa Joojinta Dagaalka Hiiraan.

 

Dagaalka ka dhacay Magaalada Baledweyne gaar ahaan Galbeedka Magaalada ayaa waxaa ku dhintay Dad gaaraya ilaa 20 Ruux ,halka dhaawacu uu  ka badan yahay ilaa 52 kale.

 

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu qeyb ka qaadanayo Xalinta dagaalka Magaalada Baledweyne.