War Deg Deg Ah:Madaxweynaha Puntland oo diiday inuu hor fariisto dhigiisa Galmudug.

0
421

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin wafdi heer Federal ah oo dhexdhexaadin ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas uu diiday in uu hor fariisto Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Guuleed,Inkastoo uu C/wali Gaas uu aqbalay qaar ka mid ah Qodobadii heshiiska Gaalkacyo.

Ilaa iyo hada ma cada sababta uu Gaas u diiday in uu la kulmo dhigiisa Galmudug si ay uga wada hadlaan oo loo soo afjaro Colaada Gaalkacyo walow labada Madaxweyne ay ku wada sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaali Cumar C/Rashiid iyo Wafdi heer Federal ah oo uu hogaaminayo kuna sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa wada sidii C/Gaas ay uga dhaadhicin lahaayeen in uu hor fariisto Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Guuleed