Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Gaalkacyo iyo Kulan Caawa Dhexmaray Hogaamiyaasha Labada Maamul.

0
364

Kulan seddex geesood ah oo u dhexeeyay Maamulada  Puntland Galmudug iyo xumna katirsan dowladda ayaa caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaas oo uu maanta ka dhacay dagaal saacado badan socday oo u dhexeeyay Ciidama kala taabacsan  Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid oo intii dagaalku socday maanta dadaal xoog leh u galay sidii loo joojin lahaa ayaa caawa isku geeyay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kulankaas oo ka dhacay koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii looga wada hadli lahaa dagaalkii maanta magaalada ka dhacay islamarkaasina loo samayn lahaa xabbad joojin rasmi ah, is loo fuliyo qodobadii shalay lagu kala saxiixday Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Madaxweynaha  Galmudug ayaa isku afgartay in la sameeyo Xabbad joojin farsami ah iyadoo la isla gartay in lakala qaado ciidamada iska soo horjeda ee kala taabacsan labada maamul.

Kulanka ayaa Lagaga hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka  balse muhiimadda kulankaan uu kasoo shaqeeyay ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa ahaa in Xabbad joojin la sameeyo si uusan dagaalku dib ugu bilaaban Magaalada gaalkacyo.

Xaalada magaalada gaalkacyo ayaa caawa ah mid degan kadib dagaalkii maanta markale dib ugu qarxay gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug waxana jira da daalo ay wadaan hogaamiyaasha labada dhinac iyo R/wasaaraha soomaaliya si loo dhaqan galiyo heshiis shalay kala saxiixden Maamulada Galmud iyo Puntland.