Wasaarada Arimaha Gudaha’’ Shacabka Gobolka Banaadir 2016’ka Waxa ay Dooran Donaan Hogaan Cusub

0
312

Wasarada arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in bartamaha sanadka cusub ee 2016’ka in shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay dooran doonaan hogaan cusub oo uu yeesho Gobolka Banaadir oo ku yimaada rabitaanka shacabka ayna doortaan.

Xoghayaha joogta ah ee Wasaarrada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in 2016-ka in hogaan cusub loo doorto Gobolka Banaadir ayna doortan shacabka ku dhaqan Gobolka Banadir madaama uu shegay in dalka uu qaatay nidaamka Federaalisamka.

Sidoo kale xog-hayaha joogta ah ee wasaarrada arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Dhamaan Gobolada dalka Somaliya laga dhaqan gelin doono Nidaamka Federaalka dalka, shacabka ay wax dooran doonaan, si rabitaanka shacabka loogu hogaamiyo.

Shacabka Gobolka Banaadir ay u dareeraan Doorasho ku aadan hogaanka hogaamin doono, taasi macnaheeda waxa ay tahay rabitaankii Bulshada oo hirgelay, waxaana meesha ka baxaya Magacaabista Guddoomiye aanan ku imaanin rabitaanka Bulshada.