Wasiirka Amniga Puntland”Galmudug waxaa loo Aas aasay bur burinta Puntland

0
404

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay Dagaalki ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee dhex maray Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in Maamulka Galmudug loo dhisay Burburinta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland islamarkaana Puntland aysan sidaa ku burburi doonin.

Waxaa sidoo kale Qarjab uu Rajo Xumo ka muujiyay Heshiiskii Arbacadii la soo dhaafay ay Magaalada Gaalkacyo ku kala Saxiixdeen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug.