Wasiirka Warfaafinta Oo Soo Dhaweyay Sharciga Saxaafada Ee Uu Baarlamaanka Ansixiyay

0
391

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa soo dhoweeyay ansixintii Baarlamaanka Soomaaliya ee sharciga Saxaafadda, isagoo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sharcigan uu yahay kan ugu fiican sharciyada saxaafadda ee Adduunka, isla markaana la filayo inuu noqdo midka ugu sareeyo, waxaa uu xusay in sharcigan uu dhowrayo xuquuqda saxafadiga iyo xoriyatul qowlka.

Wasiirka ayaa sheegay in Warbaahinta madaxa banaan la siin doono nuqulo ka mid ah sharcigaas, isagoo faah faahin ka bixiyay qaar ka mid ah qodobada ku jira sharcigan.

Sidoo kale waxaa uu xusay in sharcigan waxtarkiisa uu yahay qodobka 6aad farqadiisa 1aad, kaasoo ah nidamainta howlaha kala duwan ee warbaahinta, lana hormarinayo nidaamka saxaafada iyo wada shaqeynta wasaarada iyo warbaahinta madaxa banaan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sharcigan uu sahli doono in si fudud in wariyeyaasha Soomaaliyeed ay awood ballaaran ku yeeshaan qabashada shaqadooda.

Inkastoo cabasho badan ay ka soo yeerayaan warbaahinta xorta, ayaa hadana qodobada xasaasiga ah la hadal haayo ayaa ah in ganaaxa faraha badan ee ku xusan Sharciga iyo cida Wariye noqon karta, oo ah in wariyaha looga baahan yahay inuu heysto shahaado jaamacadeed.

sharciga Saxaafadda ayaa dhaqan galaya marka uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.